Warar laga soo xigtay wasaarrada difaaca ama gashaandhiga dalka Britain ayaa lagu sheegay in dowladda Ingariiska u direyso dalka Soomaaliya Kooxo saraakiil ah oo ka tirsan ciidamada Britain oo gacan siiya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Warkan oo lagu qoray wargeyska lagu magacaabo The Tames ee ka soo baxa dalka Ingariiska ayaa lagu sheegay in ciidamadan qarsoodiga ay dhowaan imaan doonaan magaalada Muqdisho, si ay u qiimeeyaan amaanka, isla markaana Britain dib safaaradeeda uga furato.
Waxaa muuqanaya in uu jiro cilaaqaadka dowladdaha Soomaaliya iyo Ingariiska in uu yahay mid soo hagaagaya, iyadoo dhawaan booqaashadii uu madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud uu ku tagay magaalada London uu kula kulmay ra’iisal wasaaraha dalkaas David Cameron.
Ciidamadan ayaan noqon doonin kuwa ka qeyb-qaata dagaallada, laakiin waxaa la sheegay in ay noqon doonaan oo kaliya kuwa tababar iyo talo siin ku eg, iyaga oo gacan siinaya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya
Ciidamada British-ka ayaa taageerayay ciidamada AMISOM oo tababaro ku siinaya xeryaha Muqdisho, isla markaana ka gacan siinayay la dagaalanka Shabaab.
Talaabadan ay ku dhaqaaqday dowladda Britain ayaa wax weyn ka tari karta aqoonta ciidamada dowladda Soomaaliya ee la xiriirta ka hor taga weerarada argagixisada.
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.