Gudoomiye Tigey Oo Qori AK-47 soo Qaatay(Daawo Sawirada) !!!

Photos were posted on 07 Feb 2013 at 6:46pm

Culimadda,Dhalinyaradda,Haweenka iyo Aqoonyahanadda ayaa diidan in Xisbiyo laga hirgeliyo Gaalkacyo,waxaana Saacadihii lasoo dhaafay Magaaladda lagu daadiyay Waraaqo ay ku Qoranyihiin ”NO Faroole”.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa Magaaladda Gaalkacyo waxaa lagu soo daadiyay Ciidamo aad u baddan,waxaana ay Xabsiga dhigeen dad Boqol kor u dhaafaya oo u badan Dhalinyaro iyo Culimo ay Masaajidyo ka soo aruuriyeen.

Dadkaas tiradda baddan ayaa weli ku xiran Xabsiga dhexe ee Magaaladda Gaalkacyo,waxaana ilaa hadda la Shaacin sababta loo xiray,balse Shacabka Gobalka ayaa u arka Caburin.

Mas’uuliyiinta Dowladda Puntland ee Gobalka Mudug ayaa Saaka Sheegay innay Gaalkacyo ka furayaan Xafiis,waxaase ka soo horjeesaday Aqoonyahanadda iyo Siyaasiyiinta Gobalka.

Maamulka Gobalka ayaa isu soo aruuriyay si ay Xafladda furitaanka uga qayb-galaan Barakacayaasha ku nool Xeryaha Gaalkacyo iyagoo ku soo kexeeyay innay Cuno iyo daawooyin u qeybinayaan.

Durbadiiba waxaa goobta soo buux dhaafiyay Dadweyne Caraysan oo ku dhawaaqayay Erayo ay ku diidanyihiin furashadda Xafiis Xisbiyeedka Urur-ka Horseed.

Haddaba waxaa Dadkaas ka xanaaqay Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yusuf Jaamac Tigey,waxaana uu soo qaatay Qori AK 47 ah isagoo Dadweyniyihii Caraysnaa ugu Hanjabay innuu mid mid u toogan doono haddii aysan goobta isaga tagin.

Sikastaba ha ahaatee falkaan uu Gudoomiye Tigey ku kacay ayaa waxaa ka carooday Maamulka Gobalka,Wasiiro ka yimid Garoowe,waxaana Cabasho loo gudbiyay Madaxweynaha Kursiga isku dhajinaya ee Faroole,iyadoo laga yaabo in Tigeyn uu xilka ku waayo falkaasi.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.