Guddoomiyaha maamulka ku-meel-garka ah ee magaalada Kismaayo islamarkaana ah hogaamiyaha jabhada Raaskanbooni ee gobollada Jubbooyinka ayaa digniin culus u dirraday dowladda Soomaaliya.
Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo islamarkaana la hadllay warbaahinta ayaa uga digay dowladda Soomaaliya in ay maamul u soo magacaawday gobollada Jubbooyinka, isaga oo sheegay ku dhaqaaqista talaabada noocaas oo kale ah dalka dib ugu celin karto dagaal sokeeye.
‘’Dowladda Soomaaliya kaliya doorka u banaan waxaa uu yahay in ay shir guddoomiso goob joog ka noqoto kulamada ay waxgaradka uga arisanayaan dhismaha maamulka ay iyaga doonayaan, ee ma’aha in ay dadka ku qasabto wax aysan raali ka aheyn,’’ ayuu yiri Axmed Madoobe.
Waxaa uu sheegay in aysan jirin cid ka hor iman karta rabitaanka bulshada ku dhaqan gobollada Jubbooyinka, isaga oo balan-qaaday in ay talada ku wareejin doonaan maamul ay bulshada soo doorteen, waxaana uu ka digay in kor looga keeno gobollada Jubbooyinka maamul meelo kale laga soo dhisay.
Hadalka Sheekh Axmed Madoobe ayaa imanaya xili wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ku howlan tahay dhismaha maamulada gobollada dalka Soomaaliya, iyadoo dhawaan maamul cusub loo magacaabay gobollka Bay.
Wasiirrka arrimaha gudaha ayaa xiligan ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan oo uu kulamo wada tashi ah kula leeyahay odayaasha iyo waxgaradka gobollka.
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.