Shariif Shiikh Aadan iyo Ahmed Madoobe oo heshiis ku saxiixday Nairobi- Qodobada heshiiskooda oo la helay.0 comments

By admin
Posted on 09 Feb 2013 at 2:47pm

imagesAhmed Madoobe gudoomiyaha Jabhada Islamiga ee Kanbooniyiinta iyo Xildhibaan Shariif Hassan Sheikh Aden ayaa heshiis hordhac ah ku gaaray Hotel-ka CROWN PLACA ee Magaalada Nairobi, heshiiskaan ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu wiiqayo awooda dawladda Soomaaliya ee dhowaantaan heshay aqoonsiga Caalamka, heshiiskaan ayaa la sheegayaa inuu nuxur ahaan ka kooban yahay qodobada soo socda;-
Qodobada Shariif Hassan iyo Ahmed Madoobe isla ogolaadeen kalana saxiixdeen.

1- Shariif Hassan Sheikh Aden ayaa heshiiskaas ku ogolaaday in la joojiyo qorshaha Dawlada goboleedka Koofur Galbeed, dhisitaanka maamulkaas oo qabanqaabadiisu ka socotay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay taas oo ujeedkiisu ahaa in Gobolada Bay, Bakool, Shabelaha Hoose, Gedo, Jubadda Dhexe iyo Jubada Hoose in maamul ay ku midaysan yihiin lagu sameeyo.
2- Shariif Hassan iyo Ahmed Madoobe ayaa isla ogolaaday in Maamulada laga dhigo min 3 gobol, iyada oo la is raacinayo Bay, Bakool iyo Shabeelada hoose halka Jubadda Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo la isku xiraa.
3- Shariif Hassan ayaa la sheegayaa in heshiiskaas loogu Balan qaaday aduun lacageed oo gaaraya 3 Milyan oo Dollar iyadoo lacagtaasna horumaris ahaan loo siiyey lacag dhan 1 milyan Dollar sida ilo ku dhow Shariifka ay sheegeen ilahaas oo aan dooneyn in la shaaciyo.

4- Labada nin ayaa isku afgartay in dhisida Maamulka Jubbaland inay kala qaataan Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka, iyadoo Ahmed Madoobe cadeeyey inuu isagu Madaxweynaha Yahay, Halka Shariif Hassan uu Sheegay inuu ama Madaxweyne ku xigeenka isagu noqonayo ama uu isagu keenayo xubinta noqonaysa.

5- Ahmed Madoobe iyo Shariif Hassan ayaa isla ogolaaday in inta uu socdo qorshaha sameynta Jubbaland state in dhaqaalaha Dekeda Kismaayo qeyb laga siiyo lacagtaan oo aan ka midka ahayn heshiiska sedexda Milyan Dollar, lacagtaan ayaa loogu talo galay in Shariif Hassan u isticmaalo siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ee Baydhabo uga ololeynaysa Maamulka Koofur Galbeed state.

6- Qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa in Cabdifitaah Geesey Gudoomiyaha gobolka Bay xilka laga qaado, maadaama Cabdifitah Geeseey uu ka mid yahay dadkii sida aadka ah ugu ololeynayay Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, Xil ka qaadida Cabdifitaah Geeseey ayaa la sheegayaa in Shariif Hassan u isticmaalay odoyaashii Dhaqanka Beesha Digil iyo Mirifle ee ka qeyb galay shirkii Dawlada loogu dhisayey Soomaaliya, odoyaashaa oo dhamaantood uu Xildhibaan Shariif Xasan ka qaaday Magaalada Muqdisho geeyayna Magaalada Baydhabo..iyada oo ilaa iyo haatan uu hotelkooda iyo cunadooda uu bixiyo Xil. Shariif Hassan.

Iyadoo la dhaqan gelinayo heshiiska labada nin oo dhowaan ka dhacay magalada Nairobi ayaa la sheegayaa in Shariif Hassan uu si degdeg ah diyaarad ugu diray Xildhibaano iyo waxgarad ka soo jeeda beelweynta Digil iyo Mirifle, Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee la wacay lana keenay Magaalada Nairobi waxaa ka mid ah, Xildhiban, Maxamed Ibrahim Habsade, Xildhibaan Afarale, Xildhibaan Sheikh Adan Madobe iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee dekedaha Cabdicasiis Laftagareen . masuliyiintaan ayaa Nairobi loo keenay si looga dhaadhiciyo heshiiska Aden Madoobe iyo Xildhibaan Shariif Hassan.

Labada nin ayaa hoosta ka wada xariiqey in maadaama shirkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya lagu gaaray in Dawlada Soomaaliya looga danbeeyo hawlaha maamul u samaynta Gobolada in la dadejiyo qorshaha Jubaland iyada oo laga baaqayo in Dawladda Soomaaliya shirka ka soo qeyb gasho, si caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed loogu muuijiyo in hawsha dhisida Jubbaland state inay qeyb ka tahay Dawladda Soomaaliya.

.
Qorshaha labada nin ayaa ah mid caqabad loogu samaynayo Dawladda Soomaaliya ee ka baxday ku meelgaarka , iyada oo la doonayo in degaanada Jubbooyinka iyo Gedo laga hirgeliyo Dawlad ka hortimaada Dawlada Soomaaliya, halka sidoo kale degaanada Bay iyo Bakool, iyo Shabeeladda hoose la doonayo in iyagana laga sameeyo Dawlad goboleed iyada ka mid noqota caqabadaha loo dhigayo dawladnimada Soomaaliya.

Ujeedka guud ee dawlad goboleedyadaan cusub loo riixayo ayaa lagu sheegayaa inuu yahay mid lagu doonayo in dawladda Soomaaliya lagu soo koobo Mogadishu, markaa ka dibna shaki la geliyo matalaada ay metesho dhamaan dalka Soomaaliya..

Read also
Advertisement

Comments are closed.