Xildhibaanno sheegay in wax saameyn ah ku yeelan doonin hadal ka soo yeeray Ahlu Sunnah

Photos were posted on 13 Feb 2013 at 12:58pm

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo todobadyadii ugu danbeeyayba socdaal shaqo ku jooga deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud ayaa sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin hadal maalintii shalay ka soo yeeray mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Waljameeca.

Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollka Galguduud ayaa ku amaray xildhibaannada baarlamaanka ee ku sugan gobollkaas in ay joojiyaan dhaq dhaqaaqa iyo shirarka ay la yeelanayaan dadka deegaannada hoos taga gobollka, iyaga oo ku eedeeyay xildhibaannada in ay iska horkeenayaan bulshada gobollka.

Mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan gobollka Galguduud oo lagu magacaabo Nuur Faarax ayaa isaga oo ku sugan gobollkaas waxaa uu warbaahinta u sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin hadalka kasoo baxay Sheekh Xeefow gudoomiyaha golaha fulinta Ahlu Sunna Waljameeca wuxuuna sheegay in hawsha ay u joogaan gobolkaas aanay caqab ku noqon doonin hadalkaasi.

‘’Meel wanaagsan ayeey inoo marayaan howlihii aan u tagnay gobollka, wax saameyn ahna naguma yeelanayaan wararkan ka soo baxaya mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Waljameeca, ayuu yiri xildhibaannka.

Shir jaraa’id oo ay maalintii shalay wada jir ugu qabteen degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud guddoomiyaha gollaha fulinta Ahlu Sunna Waljameeca iyo guddoomiyaha talada ayeey ku sheegeen in xildhibaannada ku sugan gobollkaas ka leexdeen hadafkii socdaalkooda, islamarkaana bilaabeen waa sida ay hadlaka u dhigeen mas’uuliyiinta Ahlu Sunna in ay iska hor keenaan bulshada.

Viewing photos

(read users comments or add a reply)

View full image

Comments are closed.