Axmed Inji eedeyn kulul dusha uga tuuray R/wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid).0 comments

By admin
Posted on 14 Feb 2013 at 1:26pm

Gudoomiye ku xigeenka gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Wasiirka koowaad ee dalka, Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) uu ka baxay balan qaad uu u sameeyay maamulkooda intii uu ku guda jiray booqasahdiisii gobalka.

Axmed Cabdalla (Inji) ayaa waxa uu yiri, “R/wasaaraha Soomaaliya markii uu yimid B/weyne waxa uu noo balan qaday in uu mushaar siinayo ciidamada halkaan ku sugan si ay u sii wadaan dadaalkooda ay ugu jireen xureynta gobalka, hasa yeeshee arintaasi wuu kasoo bixi waayay. Ciidankuna siima wadi karaan ladagaalanka Al-shabaab hadii aysan helin xuquudooda. Inagu R/waaaraha kama codsan ee isaga ayaa nala doontay. Hadana isaga ayaa lalaabtay. Arin masuul kuhaboon maaha”.

Inji ayaa waxa uu ku nuux nuuxsaday in had arintaasi aysan waxba u dhimi doonin, maadamaa uu gobalku uu yahay gobal wax soo saar leh.

Saacid ayaa waxa uu booqasho aan horay loo sii shaacin uu kutegay gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, isaga oo intii uu ku sugnaa isagu afkiisa ku cadeeyay in rer Hiiraan aysan wax dhaqaala ah ka codsan isaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Read also
Advertisement

Comments are closed.