Ciidamada maamul gobolleedka Puntland iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in uu dagaal culus galinkii danbe ee maalintii shalay uu ku dhaxmaray deegaannnka lagu magacaabo Ceel-dibir oo galbeedka kaga beegan magalada Boosaaso.
Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay qaadeen ciidamada maamul gobolleedka Puntland oo ay taageerayeen diyaarado dagaal oo ay leedahay shirkada SARACEN kuwasoo madaafiic ku tuurayay deegaannada ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Al-shabaab.
Ilaa iyo hadda ma jirto faah faahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas ka dhashay inkastoo ay jiraan warar sheegaya in labada dhinac dhimasho iyo dhaawac badan uu kala gaaray, waxaan guulo ka sheeganaya saraakiisha labada dhinac.
Afhayeen u hadlay maleeshiyaadka Al-shabaab oo lagu magacaabo C/siis Abuu-muscab ayaa sheegay in weerarkaas in ay iska caabiyeen sida uu hadalka u dhigay weerar uga yimid dhinaca ciidamada Puntland.
Laakiin dhinaca kale marka aad eegto saraakiisha Puntlnad ayaa sheegay in dagaallkaasi ay ku dileen dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-shabaab, labo ka mid ahna nolol ku soo qabteen kuwasoo ay sheegeen in ay saxaafada u soo bandhigi doonaan.
Read also- Somaliland oo dib u celisay Diyaarad Ogolaasho ka soo Qaadatay Dowladda Somalia oo ku degi lahayd Garoonka Hargeysa
- XIISADA BARIGA DHEXE IYO GO AANKA MASAR
- Maxaad ka taqaan madaxweynaha cusub ee dalka iiraan
- Beesha caalamka loo gudbiyey liiska qas-wadeyaal carqaladaynaya dowlada Somalia?(Yaa kamid ah Qaswadayaashaasi
- Ciidamada Kenya oo askar ka tirsan ciidamada dowladda ku laayay deegaanka Hoosingoow