Wasiirrka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka qeyb-gashay shirka gollaha Amaanka QM ayaa xalay ka jeedisay shirka qudbad dheer oo la xiriirta xaalada Soomaaliya.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka dalbatay 15 xubnood ee ka midka ah gollaha Amaanka QM in ay dib u eegis ku sameeyaan cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran dowladda Soomaaliya laga soo bilaabo 1992-dii.
Waxaa ay sheegtay wasiirka in looga baahan yahay gollaha Amaanka si dhaqse ah ay u qaadaan xayiraada dhinaca hubka ee saaran Soomaaliya mudada dheer, sii loogu guulysto dib u dhiska ay dowlada ku damacsantahay iney ku qalabeyso ciidamadii qaranka Soomaaliya.
‘’Rajo badan ayaan ka qabnaa in gollaha Amaanka tixgalin doonaan codsiga aan u jeedinay, waxaana ka rajeyneynaa xubnaha ku jira gollaha in ay si buuxda isugu racaan arintaa iyada ah,’’ ayeey sheegtay wasiirrka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Mar ay soo hadal qaaday eedeynta loo jeediyay dowladda Iiraan waxaa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ka war qabin arintaa iyada ah, waxaana ay ixtiraamayaan hadalka danjiraha dowladda Iiraan ee QM uu ku diiday eedeynta loo jeediyay.
(read users comments or add a reply)