Rag ku eedeysan Falalka Burcad Badeednimada ee Soomaaliya oo dowladda Holland ka codsaday!0 comments

By admin
Posted on 13 Aug 2009 at 12:15am

burcad-badeed-la-qabtayIlaa 5 qof oo Soomaali ah islamarkaana ku eedeysan Falalka Burcad Badeednimada ee Soomaaliya ayaa dowladda Holland ka codsaday dadajinta Maxkamdeyntooda.

Kadib markii 5 nin oo burcad badeeda Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaala Magaalada Rotterdam ee wadanka Holland ay ka codsadeen qaaliyaasha Maxkamadda gobolkaasi in la dadajiyo Maxkamdeyntooda kadib markii la xiray bishii January ee la soo dhaafay ayaa lagu wadaa maanta in kiiskooda lgu dhageysto halkaasi.

Ninka lagu magacaabo Axmed Yuusuf oo 24 jir ah ayaa waxaa uu ka codsaday Maxkamadda gobolka Rotterdam in ay arinta si deg deg ah u bilaabaan kadib markii mudo sedax bilood ah arintooda dib loo dhigay.

Waxaan leeyahay caruur iyo Xaas dhibaato ayaa Soomaaliya ku heysata mana jirto ii dar yeelaysa,waxaan leeyahay sedax caruur ah mana jirto cid iiga dambaynaysa,waxaan nolol maalmeedkooda u raadi jiray qoyskayga”ayuu ku calaacalay Jaamac Samatar oo 44 jira kana mid ah raga lagu maxkamadaynayo dalka Holland.

Shantaan nine e Soomaalida ah oo da’doodu ay u dhaxeyso 24 ilaa 44 sano ayaa waxaa ay noqonayaa burcad badeedii ugu horaysay oo Soomaali ah islamarkaana maxkamad lagu soo taago dalka Holland.

Raggaani oo watay dooni yar oo aad u dheereeya ayaa bishii January ee la soo dhaafay waxaa gacanka cadmeed ku qabtay Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Wadanka Nederland xili lagu eedeeyay in ay isku diyaarinayeen Afduub ay u geystaan markab Xamuul ah oo halkaasi marayay.

Wadanka Nederland ayaa waxaa uu qeyb ka yahay wadamada reer Yurub e maraakiibtu ay ka joogto xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadan waxaana shantaasi nin ee lagu eedeeyay burcad badeednimada markii la soo qabtay lagu xiray wadanka Nederland.

Read also

Comments are closed.