Saraakiisha AMISOM oo sheegay in ay hanteen amniga magaalada Baladweyne0 comments

By admin
Posted on 20 Feb 2013 at 2:19pm

dubadTaliska ciidamada Jabuuti ee gobollka Hiiraan ayaa sheegay in ay ku guuleysteen istiraatijiyadii ay u dhigeen wax ka qabashada nabad-galyada magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Col Cismaan Dubud Sugule oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa sheegay in waqtigan nabad-galyo buuxda oo leysku haleyn karo ka jirto magaalada Baladweyne.

‘’Markii aan magaaladan soo gaarney nabad-galyo kama aysan jirin, beel kasta beesha colaad ayeey u qabtay, mas’uuliyiinta maamulka xitaa dhaxdooda hishiis ma aheyn, taana waxaa ay keentay in nabad-galyadii faraha ka baxdo,’’ ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Waxaa uu sheegay in talabaadii horeysay oo ay qaadeen aheyd bal marka hore in ay beelaha gobollka isa oo hor fariisiyaan, islamarkaaan ka wada hadllaan wax yaabaha ay kala tabanayaan.

‘’Beelihii ayaan isku keenay si ay u wada hadllaan, wada hadal iyo dood kadib beelihii wey is gacan qaadeen, wixii ay kala tirsanayeen halkaa ayeey ku dhimaatay, intaa kadibna waxaa u gudubnay maamulka laftirkiisa oo kala taagnaa, waxaan ku war-galinay in ay mas’uuliyadooda qaataan una adeegaan bulshada,’’ ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay qaadeen ama bur buriyeen dhamaan wixii jidgooyo ahaa ee gobollka yaalay, kuwaasoo sida uu sheegay dhibaatada nabad-galyo darro qeyb ka ahaa.

‘’Maleeshiyaadkii isbaarooyinkaa joogay waan xareynay, tababaro ayaan siinay, waa kuwaa maanta awooda leh ee waliba suganaya amniga magaaladooda, qaar kale oo badanna hadda tababaro u socda, dhawaanna waa loo soo xirayaa,’’ ayuu yiri Cismaan Dubad.

Kooxo wariyayaal ah isugu jira kuwa caalima ah iyo waliba kuwa ka socda warbaahinta gudaha oo magaalada Baladweyne ku sugan ayaa sheegay in ay soo mareen deegaannada kale ee ku jira gacanta dowladda, laakiin aysan ku soo arag nabad-galyada xiligan ka jirta magaalada Baladweyne.

‘’Mudadii aan joognay magaalada Baladweyne iskaba daa wax laga cabsado, xitaa hal mar ma aanan maqlin hal xabad oo dhaceysa, runtii amni ayaa ka jira magaalada,’’ ayuu yiri mid ka mid wariyayaasha booqashada hadda ku jooga Baladweyne.

Taliyaha ciidamada Jabuuti waxaa uu sheegay in marka ay tababarkooda soo dhameystaan ciidamada hadda ku jira xeryaha loo jiheysan doono sidii looga saari lahaa cadawgga deegaannada kale ee gobollku ka kooban yahay.

Read also
Advertisement

Comments are closed.