Wasaarada horumarinta adeega bulshada oo soo bandhigtay qorshe wax lagu barayo hal milyan oo arday0 comments

By admin
Posted on 20 Feb 2013 at 2:31pm

mqwWasaarada waxbarashada iyo adeega bulshada ee xukuumada Somalia ayaa maanta soo bandhigtay qorshe waxbarasho oo sanadkan 2013-ka ay ugu talo gashay iney ka faa’iideystaan ardayda Soomaaliyeed ee aan heysan fursadaha waxbarasho ka dib markii ay saameyn ku yeesheen duruufaha adag ee dalka ka jiray 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirada wasaarada horumarinta adeega bulshada Drs. Maryan Qaasim ayaa maanta qorshahaasi kaga dhowaaqday munaasabad lagu qabtay hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho taasoo ay ka soo qeyb galeen qeybaha bulshada sida aqoonyano, waxgarad, culumaudiin haween, xildhibaano iyo qaar ka mid ah bahda waxbarashada iyo Jaamacadaha ka jira dalka.

Drs. Maryan Qaasim ayaa sheegtay in dhallaan gaaraya qiyaastii 4 milyan oo da’doodu ka hooseyso 18 sano jir aysan heysan waxbarshadii ay u baahnaayeen xiligan taasoo keentay bay tiri in duruufaha nololeed ee heysta qaarkood looga faaiideystay iney ka qeyb qaataan dagaaladii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay dalka.

“Wasaaradu iyadoo ka duuleysa arintaas, kana damqaneysa waxay isku duba riday qorshe waxbarasho oo balaaran kaasoo aan jecelnahay iney ka faaiideystaan arday gaareysa hal milyan oo uu kala qeybsan heerarka kala duwan ee waxbarashada, waxaana qorshahaas gacan naga siinaya maalgelinta ku baxeysa qaar ka mid ah heyadaha QM oo dhowaan aan kula soo kulmay Nairobi” ayey tiri wasiirada.

Sidoo kale, Drs. Maryan Qaasim ayaa intaa ku dartay in qorshahaas uu ku jiro in guud ahaan dalka laga hirgeliyo dugsiyo gaaraya 900 oo isugu jira kuwo cusub iyo dayactir lagu sameynayo kuwii horey dalka uga jiray, iyadoo xustay iney tababari doonaan macalimiin heerar kala duwan leh oo gaaraya illaa 3,000 kun si ay bilow ugu noqdaan dhaqaajinta waxbarashada dalka oo ay sheegtay iney ka qeyb qaadan karto soo celinta nabada, iyadoo tilmaantay in nus malyuun ka mid ah ardaydan ay ka iman doonaan koonfurta Somalia, halka qeyb kalena ay wadaagi doonaan gobolada bariga iyo woqooyiga Somalia.

“Anigu waxaan ahay Drs. dhinaca caafimaadka ah, waxaan wax ku soo bartay illaa heer Jaamacadeed canshuurtii shacabka laga qaadi jiray, waxaan rabaa iney caruurteena helaan taasoo kale sidaas awgeed qorshahan aanu fulineyno sanadkan waxaa uu bilow u yahay qorshe aanu rabno inaan waxbarasho aasaasi ah ugu helno afarta milyan ee aan hadda waxbarashada heysan” ayey intaa ku dartay wasiirada oo qeybaha bulshada ka dalbatay iney gacan ku siiyaan fulinta qorshahaas.

Waxaa sidoo kale goobtaas ka hadlay masuuliyiin iyo qaar ka mid ah qeybaha bulshaha ee ka qeyb galay kulankaas, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyed C/kariin Salaad Gabeyre, Ganacsade Luul Maxamed Shiikh Cisman, culumaa’udiin ay ka mid ahaayeen Shiikh Nuur Baaruud Gurxan iyo Shiikh Soomow, Gudoomiyaha dallada bulshada rayidka Soomaaliyed ee SOSCENSA C/llaahi Maxamed Shirwac iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo dhamaantood soo dhoweeyey qorshahan iyo muhiimada uu leeyahay, iyagoo balan qaaday iney garab ku siin doonaan wasiirada sidii loo fulin lahaa.

Ugu dambeyntii waxaa kulankaas ka hadlay wasiiru dowladaha wasaarada horumarinta adeega bulshada oo ka waramay qorsheyaasha wasaaarada ee sanadkan gaar ahaan waxbarashada, isagoo sheegay in dhaqaale laga helay dibeda uu noqon karo kaalmo oo kaliya, balse maalgelinta wax lagu dhaqaajinayo la doonayo inteeda badan iney ka timaada bulshada Soomaaliyeed.

Sahan ay kal hore sameeyeen heyadda QM ayey ku ogaadeen in 22-kii sano ee burburku ka jiray Somalia ay waxbarashada aasaasiga ah heleen oo kaliya %13 dhallaanka Soomaaliyed, waxaana haddii uu hirgelo qorshahan lagu xoojinayo waxbarashada dalka ee ay wado wasaarada horumarinta adeega bulshada uu noqon doonaa kii ugu weynaa burburka ka dib ee ay ka faaiideystaan dhalaanka aan waxbarashada helin.

Read also
Advertisement

Comments are closed.