sameyneysa dhinacyo badan, ayeey dadka ku dhaqan siweyn u soo dhaweeyeen iftiinka ka muuqada xaafaddo ka tirsan magaalada oo sanado badan mugdi ahaa.
Bulshada ku dhaqan xaafadda Howl-wadaag ee gobollka Banaadir ayaa xalay ka dhacay xaafadda ay degan yihiin isku soo bax ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin nalalka cad ceeda ku shaqeeya ee la hergaliyay degmadooda.
Shacabka oo gaaray kumanaan ruux ayaa lagu arkayay iyaga oo ku damaashaadaya is-gooysyada Aadan cade, Howl-wadaag iyo Bakaaraha, iyaga oo ku qelinayay eryo farxad iyo soo dhaweyn ah oo ay ugu dabaal-dagayeen hormarka balaaran ee ka jira degmadooda.
‘’Waxaan si gaar ah ugu mahad celineynaa maamulka gobollka Banaadir oo suurta-galiyay in xiligan aan ku damaashaadno jidadka degmada Howl-wadaag oo sanado ka hore in habeen la socdo iska daa xitaa malintii laga cabsan jira,’’ ayeey tiri qof dumar ah oo ka mid aheyd dadkii isugu soo baxay jidadka Howl-wadaag.
Guddoomiyaha degmada Howl-wadaag ee gobollka Banaadir Abuukar Jacfar ayaa sheegay in dadka isugu soo baxay degmada uu maamulo muujinayeen dareenkooda la xiriira sida ay ugu faraxsan yihiin hormarka dhinacyada badan ee laga her-galiyay qeybo badan oo ka mid ah caasimada.
Maamulka gobollka Banaadir ayaa sheegay dhawaan in ay dib u soo nooleyn doonaan dhamaan adeegyadii bulshada ee ku bur buray waqtiyadii colaada uu dalka ku jira, gaar ahaan bilicda magaalada Muqdisho.
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.