Khilaafkii u dhexeeyey madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa cirka ku sii shareermay ka dib markii madaxweyne Siilaanyo diiday wada hadalo shuruudi ku xidhanyahiin oo Saylici sheegay inuu keliya la yeelanayo madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo aan todobaadkii ugu danbeeyeyba ka soo xaadirin xafiiskiisa xarunta madaxtooyada ayaa la sheegay inuu maanta u dhiibay ergadii dhex dhexaadinta isaga iyo Siilaanyo in keliya uu wada hadal uu la yeesho madaxweyne Siilaanyo ay suurtagal noqonayso isagoo madaxweynahu soo dhisa dawlad wadaag ah oo dadka iyo dalkaba u cuntami karta iyo inuu madaxweyne Siilaanyo aqbalo in masuuliyadii qarranku ay labadodaba waa Saylici iyo Siilaanyo ka hoos baxday oo cid kale dalka ka taliso.
Ergada ayaa sida aanu xogta ku hellayno oo kulan la yeeshay madaxweyne Siilaanyo waxay u gudbiyeen shuruudaha Madaxweyne ku xigeenkiisa Saylici uu badka soo dhigay, waxaana shuruudahaasi ay si weyn uga cadhaysiiyeen madaxweyne Siilaanyo oo u sheegay ergada inaanu diyaar u ahayn ee uu Saylici wuxuu doonayo sameeyo.
Guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa la sheegaya in ergoyin kala duwan oo qaarkoodna u socdaan qaab beeleed, qaarkoodna ay ka soo jeedaan xisbiga KULMIYE ay ku qul qulayaan kuwaasi oo doonaya inay ka hor joogsadaan tallaabo kasta oo madaxweyne ku xigeenku uu qaadan karo.
Waa markii ugu horaysay taariikhda Somaliland ee khilaafka labadii nin ee dalka ka talinaayey uu ilaa heerkaasi gaadho uu madaxweyne ku xigeenkii soo shaqo tagi waayo.
Read also- Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si aad ah loo Adkeeyay iyadoo…….
- Xildhibaano gaaraya 44 xildhibaan oo u goostay Kismaayo kuna biiray shirka halkaas ka socda..
- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka
- Dowlada ingiriiska ayaa sheegtay shirka london uu bar bar socon doono shir maalgashiga somalia looga hadlayo.