Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo gacanta ku dhigay nin gacan ku!0 comments

By admin
Posted on 28 Aug 2009 at 2:14am

ciidamada-ahlu_sunnaCiidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen nin gacan ku dhiigla ah oo dil ka gaystay gudaha gobolka Galgaduud.

Ciidamada Maamulka nabadgalyada degmada Cabudwaaq ayaa gacanta ku soo dhigay gacan ku dhiigle dilka ku gaystay Toorey habeenimadii xalay iyadoo cidii dilkaasi uu ugaystayna uu ahaa Saydigiis.

Arrintani ayaa markii ay dhacday oo ahayd salaadii maqrib ee xalay kadib waxaa gabi ahaanba ay sheekadeedu gaartay guud ahaan dadweynaha ku dhaqan degmada, iyadoo ninka dilka loogaystay uu ahaa gabadha uu qabay yarka dilka gaystay walaalkeed.

Afhayeenka Ciidamada Maamulka nabadgalyada degmada Cabudwaaq Bile Bashiir Cali Mire oo markii Ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen ninkaasi lahadlayay Saxaafada ayaa waxa uu sheegay in falkaasi dilka ah ay aad uga xunyihiin.

Inkastoo Maamulka nabadgalyada degmada Cabudwaaq ay sheegeen in ninkii uu haatan ku suganyahay Xabsiga islamarkaana la horgayn doono garsoorka si xukunka loogu qaad hadana sheekada dhacdadaasi oo saamaysay guud ahaan dadweynaha ku dhaqan degmada ayaa dadku waxa ay eeda dusha uga saarayaan gabadha oo markii hore xilliga afurka isagoo ku jira ninka dilka gaystay ku ooyday walaalkeed iyadoo markaasi dacwad ka gudbisay,waxaana kadib weerarka uu soo qaaday gabadha walaalkeed uu ku weeraray xilli uu afurayay ninka dilka loo gaystay oo ahaa Saydigiis iyadoo dilka kadib markii labada nin ay isqabsadeena uu Tooreey kala helay dhinaca Wadnaha.

Dhinaca kala 1-ruux ayaa geeryooday mid kalana dhaawac ayaa soo gaaaray kadib markii 2-caruur ah ay Bam isku qarxiyeen nawaaxiga deegaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Dhabad Aadan Cabdi Nuur Galaal.

Halka wiil ee geeryooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa xilliga Bambada heleen waxa ay raacayeen Xoolo waxaana mid kamid ah 2-da caruurta ah uu soo qaatay Bambada iyadoo ay si wada jir ah ay ugaraaceen kuwa dhaawaca ah ayaa la soo gaarsiiyay Isbitaalka guud ee degmada Cabudwaaq iyadoo haatan xaaladooda caafimaad halkaa lagu dabiibayo.

Ma ahan markii ugu horaysay oo Caruur ay wax yeelo kala kulmaan waxyaabaha qarxa.

Lix iyo tobankii bishan ayay ahayd markii Caruur dhiganaysay dugsi qur’aan ku yaala degmada Xeraale ay isku garaaceen Fiyuus qarxa islamarkaana ay ku dhaawacmeen ilaa 7-caruur ah.

Read also

Comments are closed.