Waxaa cirka isku shareeray dagaal beeleedyo u dhaxeeya Labo beelood oo ku wada dhaqan tuulooyin hoostaga degmada Wanlaweyne ee gobolka Sh/hoose.
Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay xiisado colaadeed ka taagnaayeen qeybo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Wanlaweyne ee gobolka Sh/hoose islamarkaana ay ka jireen dagaalo is ugaarsi ah oo u dhaxeeya labo beelood oo wada dega deegaanada hoostaga Wanlweyne ayaa 24-kii saac ee u dambeeyay waxaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ayaanley fal dil iyo dhaawac isugu jira.
Arintaani ayaa timid kadib markii kooxo hubaysan ay xalay ku dileen deegaankaasi nin da’ah iyagoo islamarkaana dhawaac u geystay labo caruur ah oo uu dhalay ruuxii la dilay,waxaana dhaawacyada caruurtaasi la soo gaarsiiyay isbitaalka Wanlaweyne ee gobolka Sh/hoose.
Xiisadaha iyo dagaalka u dhaxeeya beelaha halkaasi wada dega ayaa maalinba maalinta ka dambaysa cirka isku sii shareerayay,waxaana xiisadahaasi ay sababeen in ay ku geeriyoodaan ilaa 6 ruux halka tirada dhaawacuna ay ka badantahay 5 kale.
Goobaha ay ka socdaan xiisadaha beeleed iyo dagaalada ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen xoogaga hubaysan ee ka arimiya deegaanada Tooratoorow iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Wanlaweyne kuwaasi oo isku dayaya in ay isku keenaan beelahaasi.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay uu dagaal beeleed ka soo cusboonado qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose tan iyo markii xoogaga hubaysan ay la wareegeen gabi ahaanba gacan ku heynta gobolka Sh/hoose.
Read also- Somalia's Pirates Have Created Their Own Stock Market - And It's Booming
- Somalia: Security Council mandates action against pirates for another year?
- Pirates move supertanker with $20-million in oil toward Somalia
- Yemen: Orphaned in their home countries, minors flee to Yemen in search of a better life?
- Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo la wareegay Deegaanka Buula Xaaji?