Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa ay markab ka afdubteen xeebaha Soomaaliya iyadoona uu ka bad baaday markab kale oo laga leeyahay wadanka Talyaaniga oo marayay Jasiiradda Sishalis.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada badda ee midowga reer Yurub ee ku sugan xeebah Soomaaliya kooxaha burcad badeeda Soomaalida aya weerar ku qaaday labo markab oo marayay xeebaha bari ee wadanka Soomaaliya iyadoo burcad badeeda ay u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan Markab watay calanka wadanka Banama.
Afduubkaan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Jasiiradda Sishalis o oak mid noqotay meelaha kooxaha burcad badeedu ay maraakiibta ka qafaashaan ayaa waxa ay sidoo kale burcad badeedu ay weerar ku qaadeen markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Talyaaniga kaas oo ka bad baaday burcad badeeda kadib markii uu u cararay biyaha wadanka Kenya.
Ciidamada wadanka Banama ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in la afduubtay markabkaasi laga leeyahay wdanka Banama iyagoo sheegay in loola soo dhaqaaqay wadanka Soomaaliya.
Sidoo kale ciidamada badda ee wadanka Sishalis ayaa waxaa ay howlgalo ka sameeyeen biyaha Jasiiradaasi iyagoo weerar ku qaaday koox burcad badeed Soomaali ah oo doonayay inay halkaasi ka qafaashaan maraakiibta maraysa.
Read also- Somalia's Pirates Have Created Their Own Stock Market - And It's Booming
- Somalia: Security Council mandates action against pirates for another year?
- Pirates move supertanker with $20-million in oil toward Somalia
- Yemen: Orphaned in their home countries, minors flee to Yemen in search of a better life?
- Xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo la wareegay Deegaanka Buula Xaaji?