Diyaarado Jawi hoose ku duulaya oo guuxoodu aad u sareeyo oo xalay lagu arkay magaalada Kismaayo !0 comments

By admin
Posted on 20 Nov 2009 at 7:26am

diyaaradDuyuuradahani ayaa xalay fiidkii waxaa ay jawi hoose ku dul heehaabayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose,waxaana guuxoodu ay ahaayeen kuwa si saa’id ah looga maqlayay xaafadaha kala gadisan ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose.

Macada tirada ay le egyihiin diyaaradahaasi,hase ahaatee fiidnimadii xalay ayaa mar qura waxaa guuxooda laga maqlay magaalada Kismaayo iyadoona ay saamayn ku yeesheen dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo kuwaasi oo ay la soo daristay cabsi aad u xoogan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Walaayada Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka oo ku aadan diyaaradahaasi Jawiga hoose xalay ku dul heehaabayay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose iyadoo aysan sidoo kale jirin wax howlgal ah oo ay sameeyeen Ciidamada Walaayada Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka gaar ahaan Ciidamada Cirka oo iyagu hadda ka hor diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn ku soo riday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose.

Read also

Comments are closed.