Wasaaradda waxbarashada dowladda KMG ee Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u fureyso!0 comments

By admin
Posted on 21 Nov 2009 at 8:02am

muqdisho_korWasaaradda waxbarashada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in ay dib u fureyso xarumihii waxbarashada eek u xirmay dagaalada Muqdisho.

Wasiirka wax barashada dowladda KMG Soomaaliya Maxmed C/laahi Waayeel oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 21-ka November oo ku began maalinta macalinka aduunka ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in ay dib u dayactirayaan iskuuladii ku burburay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho isagoona sidoo kale sheegay in ay iskuulo isugu jira hoose,dhexe iyo sare ay ka hirgalin doonaan gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu kale uu sheegay in kuwa hadda ka furan magaalada Muqdisho ay dib u hormarin doonaan.

Hadalka Wasiirka waxbarashada dowladda KMG Soomaaliya Maxmed C/laahi Waayeel ayaa imaanaya xilli 3-dii sano ee ugu danbaysay ay qaar kamid ah Iskuuladii ku yaalay magaalada Muqdisho ay ku xirmeen dagaaladii ka dhacayay dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyadoona ardaydii dhigan jirtay Iskuuladaasi ay u barakaceen duleedyada magaalada Muqdisho,gobolada dalka iyo dalka dibadiisa.

Si kastaba ha ahaatee maalmo ka hor ayay ahayd kadib markii Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda KMG Soomaaliya Pro Ibraahim Xasan Cadow uu sheegay in ay qorshaynayaan sidii ay u midayn lahaayeen Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Read also

Comments are closed.