Dowladda Hindiya oo sheegtay in maraakiib dagaal oo dheeri ah ay u soo direyso badweynta Hindiya si ay !0 comments

By admin
Posted on 23 Nov 2009 at 7:22am

diyaarad1Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in maraakiib dagaal oo dheeri ah dagaal u soo daireyso badweynta Hindiya si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda.

Iyadoo ka jawabeysa falalka isa soo taraya ee ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ku afduuanayaan maraakiibta isaga kala goowshta gacanbiyoodka cadmeed iyo badweynta ayaa xukuumada Delhi maanta waxa ay shaaca ka qaaday in ay maraakiib dagaal oo dheeri ah ay u soo dirayaan badweynta Hindiya Gaar ahaan jaziiradaha Siishalis iyo Moorijiyoos kuwaasoo kulaala badweynta hindiya.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee wadanka Hindiya ayaa sheegay in ay u soo direen biyaha wadanka Soomaaliya maraakiib dagaal oo ay wehliyaan diyaradaha qumaatiga u kaca oo loo yaqaano helicopterska si ay gacan uga geystaan howlgalka lagula dagaalamayo kooxaha burcda badeeda ee ku sii baahay badweynta Hindiya.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ay maraakiibtaasi si dhaw ula shaqeyn doonaan ciidamada ilaala xeebaha ee dalalka Sishalis iyo Moorijiyos halkaasoo noqotay goob ay wax ka ugaarsadaan burcad badeeda Soomaalida

Si kastaba ha ahaatee bad weynta Hindiya ayaa waxa ku sugan maraakiib dagaal oo ka kala socda dalal fara badan oo caalamka kuwasoo ilaa iyo hada xal u la’ kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Read also

Comments are closed.