Ciidamada Ururka Xarkatu Shabaabul Mujaahidiin oo wato Gaadiidka gaashaaman ayaa maanta barqadii abaare 11-kii subaxnimo la wareegay Gacan ku haynta Tuulada Buuloxaaji oo qiyaastii 90km koonfur galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.
La wareegidda ee Xarakada alshabaab ay la wareegeen Tuulada buulo xaaji ayaa timid kadib markii dagaal culus uu shalay ku dhexmaray urur diimeedyada Xizbul Islaam iyo Xararakatu Shabaabul Mujaahidiin Deeganka Cabdalla biroole oo aan sidaa uga fogeyn tuuladaasi Buuloxaaji oo ayadu maanta gacanta u gashay Ururka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ee inta badan gacanta ku haya gobollada ku yaal koonfurta Wadanka Soomaaliya.
Waxaana maalmihii lasoo dhaafay oo dhan ururka Xarakatu shabaabul mujaahidiin ay wadeen la wareegitaan ay la wareegayaan amaba ay gacanta ku dhigayaan deegaano iyo weliba degmooyin ku yaalla galbeedka Magaalada kismaayo ayadoona maalmihii lasoo dhaafay ay gacanta ku dhigeen degmada Afmadow, Deegaanka Qooqaani, Cabdalla biroole, Taabto iyo weliba tuulada ay hada la wareegeen ee Buuloxaaji.
Sidoo kale wararka HOL ay ka heleyso deegaanka Dhoobley ee ku yaal xadka kala qeybiya Wadamada Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in ay halkaasi isaga baxeen ciidamadii uu watay Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo ayagu la sheegay in ay u ruqaansadeen Dhankaa iyo xadka Wadanka Kenya kadib markii ay kaabiga u soo fuuleen deegaanka dhoobley Ciidamadii Ururka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo ayagu la filayo goor dhow in ay galaan deegaankaasi Dhoobley.
Read also- Somalia's Pirates Have Created Their Own Stock Market - And It's Booming
- Somalia: Security Council mandates action against pirates for another year?
- Pirates move supertanker with $20-million in oil toward Somalia
- Yemen: Orphaned in their home countries, minors flee to Yemen in search of a better life?
- Ciidamada Maamul goboleedka Puntland oo maanta Burcad badeeda xoog kaga!