FEATUREDGeneralLatestNews

Madaxweyne Biixi oo wareegto kasoo sooray soojeedintii Odayaasha Dhaqanka Somaliland

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu maanta ka soo saaray soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka .

Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Muuse Biixi ayuu ku aqbalay soojeedintii Odayaasha dhaqanka Somaliland , waxa uuna golayaasha guurtida iyo wakiiladda ka codsaday in la is waafajiyo soojeedinta odayaasha iyo shuruucda doorashooyinka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida JSL
Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ujeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka

Mudaneyaal,

Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.

Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *