FEATUREDNews

Cabdirisaaq Khaliif oo ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira dagaalka Laascaanood.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo munaasabadda Kowda Luulyo uga qayb-galay magaalada Garoowe ayaa si adag uga hadlay dagaalka weli ka socda gudaha magaalada Laascaanood.

Ugu horreyn Khaliif oo indhowanahaan ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa Puntland uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujisay dadka reer Laascaanood.

“Waxaan runtii jeclahay oo maanta si gaar ah ii taabaneyso bulshada reer Puntland oo ugu horreeyo madaxweynaheeda, madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo dhammaan shacabka reer Puntland sida ay u garab istaageen walaalahood iyo dadka ay ehelka yihiin, ayna uga dhiidhiyeen dulmigii lagu hayay aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Somaliland.

Cabdirisaaq Khaliif oo guud ahaan isaga soo baxay Somaliland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu aad ula yaabay taliska Hargeysa iyo Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay inay sida dab oo kale dhalinyaro Soomaaliyeed ugu shidayaan dagaalka ay ka wadaan Laascaanood.

“Waxaan runtii aad ula yaabay warar kasoo baxayay taliska ciidanka Hargeysa iyo madaxweynahooda maalmo dhoweyd oo ay tababaro u xirayeen dhalinyaro aan isleeyahay xabaashoodii baa la soo fogeeyay oo ay tilmaameen ina dagaalami doonaan” ayuu raaciyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in guusha ay soo dhowdahay, isla-markaana ay reer Laascaanood yeelan doonaan talo deegaanka ah oo loo wada dhan yahay.

“Waxaan leeyahay oo aan dadka reer Puntland u ballan qaadayaa in dagaalka ka socdaa Laaacaanood uu guuleysanayo, mana dheeraneyso guushiisa. Taladeeda deegaanka iyo dadkaana waxaa wada leh intii u dhimatay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay yiri C/risaaq Khaliif.

Waxaa kale oo C/risaaq Khaliif uu khudbaddiisa kusoo gabagabeeyay “Waxay noqon doonaa munaasabaddan, munaasabaddeeda kale inaynu ku dabaaldagno Laascaanood”

Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, ayada oo weli dagaalladu ay ka socdaan bariga iyo galbeedka magaaladaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *