FEATUREDGeneralUncategorized

R/W Xamza oo xil cusub u magacaabay Hodan Cusmaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa xil cusub u magacaabay Dr. Hodan Cusmaan Cabdi oo horay uga tirsaneyd howlwadeenada xafiiskiisa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Hodan Cusmaan u magacaabay inay noqoto La-taliyaha Sare, ahna Xiriiriyaha Guud ee Horumarinta Karaanka Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wareegtada magacaabista ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha markii uu arkay kartida iyo waayo-aragnimada Hodan Cismaan Cabdi uu magacaabay xilkan cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sameeyay magacaabistan kadib markuu arkay kartida, aqoonta iyo waaya-aragnimada Marwo Hodan, isla markaana uu Tixgaliyay baahida loo qabo in la hormariyo awoodda iyo karaanka bulshada, taasi oo qayb ka qorshaha Xukuumadda DanQaran” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Hodan Cismaan ayaa hadda la shaqeyneysay ra’iisul wasaaraha, waxayna aheyd la-taliyaha dhanka xiriirka caalamiga ah, ayada oo kasoo muuqan jirtay kulamada muhiimka ah.

Sidoo kale waxa ay gabadhan horay ula soo shaqeysay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble, xilligaas oo ay ku soo biirtay howlalaha xukuumadda.

Inkastoo xilka hadda loo magacaabay uu yahay mid cusub ayaa haddana la rumeysan yahay inuu yahay msharuuc weyn oo ay maal-gelinayaan hay’ado caalami ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaallo uu ku dardargelinayo shaqada hortaalla xukuumaddiisa DanQara , waxaana uu qaaday dhowr tallaabood oo isbeddal ah, isaga oo sidoo kale sameeyay magcaabis, waxaana ugu dambeeyay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo loo magacaabay gaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Agaasime ku xigeenka xaruntaas u magacaabay Ibraahim Aadan Nadaarada oo sannadkii 2016-kii kasoo goostay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, xaruntan cusub ayaa qaabilsanaan doonto cilmi-baarista iyo ka hortagga fikirka xagjirnimada oo Soomaaliya muhiim u ah, maadaama ay ka dagaalamayaan argagixiso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *