FEATUREDGeneralNews

Madaxweyne Xasan oo ka soo jawaabay hadalkii Dubbe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Senator Cismaan Abuukar Dubbe ku amaanay hadal uu maalin ka hor ka jeediyey kulan uu yeeshay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladii 14-ka Agoosto ee sanad guurada Galmudug ka sheegay inuu dhageystay hadalka Sanetor Dubbe, wuxuuna sheegay inuu jeclaan lahaa in dadka dhan ay sida Dubbe u fekeraan.

“Waxaan daawaday Senator Dubbe oo ka hadlaya Aqalka Sare, si Soomaalinimo ah oo macna leh, qof kastana oo qof kasta oo Soomaali ah in intaas oo kale uu fahmo ay muhiim noo tahay ayuu u hadlay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay hadallada xun meel iska dhigaan oo dowladda lagu garab siiyo dagaalkaan, “War qof kastow wixii aad nagu tari karto halganka socda ku tar, inta uu rabo hala ekaado, dagaalan cidi kuguma qasbeyso, laakiin xeelado badan ayaad uga qeyb qada kartaa xoreynta dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula taliyey qofkii aan garab istaagi karin halgankan inuu iska aamuso.

“Inaad meelaha ka bacbaceyso oo reer hebel iyo reer hebel isku dirto waxaba kuu tari meyso, inaad faafiso dacaayado hadii maxkamad lagu soo taago aadan cadeyn u heyn haku daalin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxa uu yiri “Shaqada waan u soo laabaneynaa ee dagaalka aan wada galno, waxa aan raabnaa in dowladdu fasaxdo Iskuullada, Jaamacadaha, shaqaalaha iyo Wasaaradaha, dalka waxa uu ku jiraa inta uu u dhaxaysa nolol iyo geeri, haddii kale taariikhda waxa la oran doonaa dad Soomaali ah baa jiri jiray.”

Hadalkaan ayaa imanaya xilli uu dalka ku socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadda xarun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, halkaan wuxuu Madaxweynuhu ka abaabulayaa howlgal la doonayo in maalmaha soo socda lagu soo afjaro dagaalyahanada kooxda ee ka dagaalaya Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *