GeneralLatestNews

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay Kulan arrimo muhiim ah looga dooday

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 28-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubnaha guddiga.

Ajandaha kulanka oo ahaa Warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, warbixinnada guddoomiyeyaasha guddiyada gacanta ku haya hindise sharciyeedyada iyo heshiisyadda, kuwaas oo kala ah, Guddiga Maaliyadda iyo Misaaniyadda, Guddiga Garsoorka iyo Awqaafta, Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Guddiga Arrimaha Dibadda, Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Haweenka, Guddiga Ganacsiga iyo Warshadaha.

Kulanka ayaa sidoo kale looga dooday soo bandhigista inta ka harsan kalfadhiga seddaxaad ee Golaha Shacabka, ajandeynta Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed iyo qeybinta jadwalka tababarka guddiyadda Golaha Shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *