FEATUREDGeneralNews

Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay howlgal lagusoo xiray Axmed Cali Sheegow (Jeneraal Sheegow)

Afhayeenka ciidanka Booliiska, Saddiiq Aadan Cali Doodishe ayaa ka warbixiyay howlgal ay ciidanka Booliisku kusoo qabteen sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Axmed Cali Sheegow (Jeneraal Sheegow).

Afhayeenka Booliiska wuxuu sheegay qabashada sarkaalkan in ay ku timid, kaddib markii sida uu tilmaamay ciidamo burcad ah oo ka amarqaata sarkaalkan in ay shalay soo weerareen ciidamada booliiska Militariga ee qaabilsan howlgalka Ciiltire ee la dagaalanka burcadda hubaysan.

Afhayeenka Booliiska wuxuu sheegay, sarkaalkaan oo dhamme ah, oo aan katirsanayn ciidamada, inuu madax u ahaa maleyshiyaad dhac ka geysta degmada Dharkaynley.

Wuxuu sheegay markii ciidamadu isku dayeen inay u yimaadaan uu dagaal kala horyimid, taasoo uu sheegay inay tahay sababtay howlgal qaatay saacado badan oo lagusoo qabtay isaga iyo 25 kamid ah ciidamadiisa.

Saddiiq Doodishe wuxuu sheegay inta howlgalka uu socday inay ku geeriyoodeen labo kamid ah maleyshiyaadkii u dagaalamayay sarkaalka, hal askari oo katirsan ciidanka booliiska iyo dhaawaca afar kale oo labada dhinac ah.

Wuxuu sheegay markii ciidanku gurigiisa ay galeen in lagu arkay lacagta madow ee la dhaqo, taasoo uu sheegay inay qeyb ka tahay waxyaabaha lagusoo dacwayn doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *