FEATUREDGeneralNews

Duqa Magaalada Muqdisho oo guddoomiyay kulan arrin muhiim ah looga hadlayay

javascript:false

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay Dar-dargelinta Shaqooyinka Xafiiska Unuga Xalka Waara (DSU) .

Agaasimaha Xafiiska Unuga Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Banaadir (DSU) Zainad Axmed oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in ay dar-dargelin doonaan shaqooyinka xafiiska iyo ka dhabeynta Qorshaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee ah sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho.

Agaasime Zainab Axmed ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn doonaan sidii barakacayaasha u heli lahaayeen Waxbarashada Farsamada Gacanta, Caafimaad, Shaqo Abuur, dib-u-dejin iyo in ay amni ku helaan goobaha ay dagan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hoosta ka xariiqay in laga maarmaan ay tahay sidii loo heli lahaa isku filnaashiyo ay gaaraan dadka Barakacayaasha,ayna noqdaan muwaadiniin ku nool dalkooda, taasina lagu gaari karo in laga taageero, Waxbarashada, loo sameeyo Shaqo Abuur, iyo inta jecel in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda la taageero.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *