FEATUREDGeneralNews

Ra’isul Wasaare Xamse oo xerada Turkisom tababar ugu soo xiray Saraakiil katirsan Milatariga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad si degdeg ah u howl gashaan isuna diyaarisaan in aad dalkiinna iyo dadkiinna ugu adeegtaan si daacad ah, qaybna aad ka noqotaan dadaallada dalka looga cirib tiraayo Khawaarijta.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in xiritaanka tababarkani uu ku soo aadey xilli muhiim ah oo uu dalku ku jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana baahi weyn loo qabo ciidan difaaca Qaranka.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dib-u-dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareegga sugidda amniga dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kaalintooda ka qaataan sugidda amniga iyo ciribtirka Khawaariijta.Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiya taageerada ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan tababarrada ay siinayaan ciidanka X.D.S, isagoo u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyey maanta dadaalka ay muujiyeen, una rajeeyay in ay kaalin wax ku ool ah ka geystaan dagaalka socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *