FEATUREDGeneralLatestSomali Politics

Madaxweyne Biixi oo tababar ciidan u soo xiray boqolaal askari

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tababar usoo xiray ciidamo cusub oo ka tirsan maamulkiisa.

Ciidankan oo tiro ahaan gaaraya 530 (Shan Boqol iyo Soddon) askari aya tababar ku dhamaystay dugsiga Tababarka ee Mandhera ee degmada Mandheera.

Waxay isugu jiraan Boolis, Asluub iyo dhallinyaro Shaqo qaran ah, kuwaasoo madaxweynaha hortiisa ku sameeyey gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayaan xirfadihii la baray muddadii ay carbiska ku jireen.

Muuse Biixi ayaa u hambalyeeyey ciidanka loo xiray tababarka, wuxuuna sheegay iney sugeyso gudashada waajibaad loo baahan yahay iney ka soo dhalaalaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *