GeneralLatestNewsSomali Politics

Soomaaliya iyo Uganda oo iska kaashanaya afar dhinac oo labada dal Muhiim u ah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Is-dhexgalka gobolka John Mulimba.

Labada masuul ayaa kulankooda waxa ay uga  wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ka dhaxeeya, gaar ahaan  dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo ciribtirka kooxaha argagaxisada ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isagoo uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka , John Mulimba ayaa dhankiisa sheegay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bulshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdhex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *