Uncategorized

Boqolaal gantaal oo caawa lagu garaacay Tel Aviv & geerida Yuhuuda oo gaartay..

Magaalada Tel Aviv ayaa Caawa gubanaysa kadib markii Xamaas ay la dhaceen in ka badan 200 Gantaal, iyagoo sheegay in duqeyntan ay jawaab u tahay duqeymaha dayuuradaha Israel ka geysteen Gaza.

Halganka Nafhurnimo ee Xamaas ayaa Bilowday Aroortii hore ee saaka markaas oo rag Xamaas ka tirsan Hawada uga soo dhaceen Saldhigyo ay yuhuuda leedahay.

Adeegga samatabbixinta qaranka Israa’iil ayaa sheegay in ugu yaraan 250 qof oo israaliyiin ah la dilay 1,100 kalena ay dhaawacmeen, taasoo ka dhigaysa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Israa’iil ka dhaca muddo tobanaan sano ah.

Ugu yaraan 198 qof oo ku nool Marinka Gaza ayaa iyana lagu dilay ugu yaraan 1,610 kalena waa lagu dhaawacay duqeymaha Israa’iil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin. Dagaalyahannada Xamaas ayaa Qasa ku qabsaday tiro aan la garanayn oo rayid ah iyo askar ah, taasoo ah arrin aad xasaasi u ah Israa’iil.

Hay’ad samato bixin ah oo Israa’iili ah ayaa sheegtay in weerarka ay Xamaas ku qaadeen koonfurta Israa’iil ay ku dhinteen ugu yaraan 200 oo qof.

Xoogaga Xamaas ayaa kumanaan gantaalo ah iyo daraasiin dagaalyahano ah waxay ku weerareen magaalooyinka Israa’iil ee u dhow marinka Qaza, weerarkan oo ahaa mid lama filaan ah oo aan hore loo arag subaxnimadii hore ee saaka oo ah sabtidii ay Yuhuudu ku jirtay fasax wayn.

Hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil ayaa sheegay in uu soo jeediyay in la dhiso xukuumad degdeg ah oo uu la yeesho ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

War qoraal ah oo uu soo saaray Yair Lapid ayuu ku sheegay in uu sabtidii la kulmay Netanyahu una soo jeediyay ra’iisal wasaaraha in uu isbahaysigiisa midigta fog ku beddelo dawlad midnimo ballaadhan oo xisbiyo dhexe ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *