FEATUREDGeneralLatestSomali Politics

Madaale & Fiqi oo guddoomiyey shir xasaasi ah oo caawa ka dhacay Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Arrimaha Guduha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa caawa si wadajir ah u shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay dardargalinta horumarinta qaadashada adeega Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed oo si habsami leh u socda.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil, iyada oo goobta uu shirkan ka socday lagu soo bandhigay habraaca nidaamka qaadashada Aqoonsiga Qaranka iyo muhiimada uu u lee yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi waxaa uu tilmaamay nidaamka Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed uu muhiimad gaar ah u lee yahay dhismaha Dowladnimada, Horumarinta adeegyada bulshada, Nabadgalyada, iyo xaqiijinta muwaadinnimada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka uu taageerayo nidaam kaste oo lagu xoojinayo Dowladnimada iyo Amniga Dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *