FEATUREDGeneralLatestNews

Madaxweyne Xasan oo caawa la kulmay Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Galgaduud

Madaxweynaha  dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug .

Xasan Sheekh ayaa dadka uu la kulmay kala hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada Al Shabaab iyo qorshaha dowlada ku gaarsiineyso adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixiso dabar-goynta kooxaha argagixisada ah oo ay ciidamada qaranku kasoo hooyeen guulo wax ku ool ah, isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka deegaanka ee halyeeyada ciidamada qalabka sida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *