FEATUREDLatestSomali Politics

FARMAAJO oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan heshiiskii golaha wadatashiga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed FARMAAJO oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan heshiiskii golaha wadatashiga

(Farmaajo) oo war qoraal ah soo saaary ayaa ka falceliyay qodobadii kasoo baxay shirkii xubnaha Golaha Wadatashiga ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa ayaa taageeray heshiiskan oo dhigaya in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka, sidoo kalena uu yeeshay madaxweyne iyo ku xigeen.

Qoraalkiisa ayaa Farmaaho waxa uu ku sheegay inuu soo dhaweeynayo dhammaan go’aanadii kasoo baxay shirka, gaar ahaan arrimaha quseeya doorashooyinka.

“Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne hore Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer sugayeen in codkooda kusoo doortaan madaxda ay rabaan, taas oo ah fursad kale oo muhiim ah.

“Muddo dheer ayaa shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan” ayuu yiri

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *