FEATUREDGeneralNews

Muxuu R/W Xamza ka yiri qorshaha lagu baabi’inayo xilkiisa?

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo ku aadan heshiiskii uu qaybta ka ahaa ee ay gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo meesha looga saaray xilka ra’iisul wasaaraha, ayada oo Soomaaliya ay markii ugu horreysay yeelaneyso madaxweyne iyo ku xigeen.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa si weyn u taageeray qorshahan oo lagu baabi’inayo xilkiisa, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo ka Xamza ahaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka oo yeesho madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka, sida uu hadalka u hadalka u dhigay.

Xamxa ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Mareykanka oo ah dal federaalka, sidoo kalena leh madaxweyne & madaxweyne ku xigeen, uuna ugu horreeya dhanka dimuquraadiyadda.

“Qaar waxay dheheen federaalkiibaa burburay oo madaxweyne iyo ku xigeen ayaa la sameynayaa oo ra’iisul wasaare iyo waxaas waa la tuurayaa marka federaalkiibaa baaba’ay marka muu Mareykan ka baaba’o. Haddii madaxda midka ay u arkeen Soomaaliya inay ku haboon yahay qaateen muxuu yahay dambiga ay galeen?” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay in arrintan iyo federaaliisamka aysan wax shaqo ah isku laheyn, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *