GeneralNewsTOP STORIESUncategorized

Dagaallo culus oo gobolka Bakool ku dhexmaray ciidanka Itoobiya iyo Al-shabaab

Sebtembar 17, 2023

Dagaallo culus ayaa maanta gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iuyo maleeshiyaadka al-Shabaab, sida mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Bakool oo la hadlay VOA Somali ay xaqiijiyey.

Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa la sheegay weerar gaadmo ah inay ku qaadeen laba kolonyo oo ciidamada Itoobiya ah oo kasoo kala baxay Yeed iyo Ceel Barde una kala socday Waajid iyo Xuddur. Dagaalka culus ayaa la sheegay inuu qabsaday ciidamada Itoobiya ee u socday Waajid.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dagaalkan uu muddo socday gelinkii hore ee maanta, inkastoo aysan faahfaahin dheeri ah bixinin.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen ciidamada Itoobiya meel u dhow degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Itoobiya ayaa Soomaaliya ay ka joogaan ciidamo ka tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo ciidamo kale oo ku jooga is afgarad kala dhexeeya dawladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *